Friday, November 23, 2018

War sugan oo nagasoo gaadhey caasimada DDS ee jigjiga ayaa lasheegayaa in la calaamadeeyey lana rabo in la dumiyo guryo dhan 500 oo guri kuwaas oo kuyaala xaafada 10 aad. Guryahaasi oo dhamaantood ah kuwo si casri ah loo dhisay kuna jiraan guryo dabaqyo ahi waxay ku yaalaan labada dhinac ee wadada dhexmarta xaafadaas 10 aad.

Waxaa arintan sabab looga dhigayaa in la doonayo in wadadaas la balaadhiyo dhamaan guryahaasna la dumiyo. Wadadani ma aha jidka wayn ee halbawlaha magaalada ah umana baahna in layidhaa waxaa laga dhigayaa 25 mitir, Lacagta lagu duminayo guryahaas iyo mida dib loogu dhisibana waxaa u baahan shacabka ku nool magaalada jigjiga iyo guud ahaanba deegaanka.

Waxaa ka mudan in lacagahaas lagu dhiso waraarka wayn ee jaamada jigjiga hormara oo mar kasta uu roob da o dad ku dhintaan  iyo weliba meelo badan oo magaalada kamid ah oo marka uu roobku da o aan laysaga gudbi karin.

Waxa kale oo magaaladu ubaahan tahay in biyo nadiif ah lagaadhsiiyo, cusbitaaalka jigjiga ee dayacan lagu dayac tiro, iskuulada lagu balaadhiyo iyo waxyaabo badan oo shacabka muhiimada koowaad u ah.

Hadaba waxaan xukuumada kula talinaynaa in hantida shacabka loo isticmaalo meelaha ku Haboon ee aan naas nuujin looga dhigin koox ama shaqsiyaad gaar ah oo qandaraas doon  ah.

Sawirada waan idinlasoo wadaagi doonaa

No comments:

Post a Comment