Friday, November 23, 2018

Inaba wax la qaadan Karo maha. Shaly Moyale, doraad Tuli Guuleed, maantana Dire Dawa in Soomaali sida xoolaha loo xasuuqo wax la qaadan Kari maha. Dawlad Deegaanku in aanay tawaan lahayn garanay. Laakiin waxa lagaadhay xiligii la isweydiin lahaa "maxaa talo ah?" Nacnacdii hore ee ahayd Ina Ilay ayaa waxan wada ma soconayso.

Lagama fursanayo:
1. In Soomaalida Soohdinta Oromo lawadaagta is abaabuulaan awoodoodana mideeyaan.
2. In ay ka fakiraan in ay difaacooda militari iyo siyaasadeedba mideeyaan. Wax gurmad ah oy wadaagaan hadii la samayn karo ha laga fakiro.  
3. In lagu tala galo in siyaasada deegaanka dib  qiimayn lagu sameeyo. Nidaamka hada jiraa difaaci Kari waa maatida iyo moodka Soomaaliyeed. Wax lagu badalo waan in la helaa.

No comments:

Post a Comment