Saturday, November 24, 2018

DEG DEG duqaydii jidwaq oo amar ku siisay inanay joojin dhalinyaradu mudaharadka ilaa inta uu cagjar odhanayo jidwaqey waka xaji matan iyo xilkisii iyo dhaman wixii dhawac ah iyo dhimasho ah oo uu qato waliba waxan ka bilabaynaa qabribayax aroorays lamigana waan jaraynaa cajib fariido wada hawsha

Friday, November 23, 2018

Inaba wax la qaadan Karo maha. Shaly Moyale, doraad Tuli Guuleed, maantana Dire Dawa in Soomaali sida xoolaha loo xasuuqo wax la qaadan Kari maha. Dawlad Deegaanku in aanay tawaan lahayn garanay. Laakiin waxa lagaadhay xiligii la isweydiin lahaa "maxaa talo ah?" Nacnacdii hore ee ahayd Ina Ilay ayaa waxan wada ma soconayso.

Lagama fursanayo:
1. In Soomaalida Soohdinta Oromo lawadaagta is abaabuulaan awoodoodana mideeyaan.
2. In ay ka fakiraan in ay difaacooda militari iyo siyaasadeedba mideeyaan. Wax gurmad ah oy wadaagaan hadii la samayn karo ha laga fakiro.  
3. In lagu tala galo in siyaasada deegaanka dib  qiimayn lagu sameeyo. Nidaamka hada jiraa difaaci Kari waa maatida iyo moodka Soomaaliyeed. Wax lagu badalo waan in la helaa.

War sugan oo nagasoo gaadhey caasimada DDS ee jigjiga ayaa lasheegayaa in la calaamadeeyey lana rabo in la dumiyo guryo dhan 500 oo guri kuwaas oo kuyaala xaafada 10 aad. Guryahaasi oo dhamaantood ah kuwo si casri ah loo dhisay kuna jiraan guryo dabaqyo ahi waxay ku yaalaan labada dhinac ee wadada dhexmarta xaafadaas 10 aad.

Waxaa arintan sabab looga dhigayaa in la doonayo in wadadaas la balaadhiyo dhamaan guryahaasna la dumiyo. Wadadani ma aha jidka wayn ee halbawlaha magaalada ah umana baahna in layidhaa waxaa laga dhigayaa 25 mitir, Lacagta lagu duminayo guryahaas iyo mida dib loogu dhisibana waxaa u baahan shacabka ku nool magaalada jigjiga iyo guud ahaanba deegaanka.

Waxaa ka mudan in lacagahaas lagu dhiso waraarka wayn ee jaamada jigjiga hormara oo mar kasta uu roob da o dad ku dhintaan  iyo weliba meelo badan oo magaalada kamid ah oo marka uu roobku da o aan laysaga gudbi karin.

Waxa kale oo magaaladu ubaahan tahay in biyo nadiif ah lagaadhsiiyo, cusbitaaalka jigjiga ee dayacan lagu dayac tiro, iskuulada lagu balaadhiyo iyo waxyaabo badan oo shacabka muhiimada koowaad u ah.

Hadaba waxaan xukuumada kula talinaynaa in hantida shacabka loo isticmaalo meelaha ku Haboon ee aan naas nuujin looga dhigin koox ama shaqsiyaad gaar ah oo qandaraas doon  ah.

Sawirada waan idinlasoo wadaagi doonaa


Maanta iyo wararka dalka nuxur koodii Part-1 Benishangul-gumuz,

Deegaanka Banashaangul-gumz ooy xaaladiisa nabadgaliyo sii cakirmayso. Degmada Iyaasu ayaa dablay aan lagaranaynin kudileen 37 ruux habeenimadii jumcuhu soogalayay. Daldka lalaayay ayaa intooda badan ay kasoojeedaan qowmiyada Oromada.

Xukuumada Banishaangulka oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha kililku mudane Ashamile Hasan,ayaa ku eedeeyay dhibaatooyinkan colaadeed inay masuul kayihiin jabhadaa ONAG ee oromia wuxuuna sheegay inay 7 degmo oo kamida deegaankooda ay ilaa muddoba go’doon kujiraan wax daawo iyo cuno ah oo ugalaana ayna jirin maadaama ay jirdkii loomarayay xidheen UNAG iyo Qeero da oromiya arintaasuu sheegay inay xukuumada deegaanka oromia kala xaajoonayaan hada.

Waxaase eedayntaas ku gacansaydhay iskana fogeeyay gudoomiyaha ururka UNAG Mr. Daa’uud Ibssa wuxuuna sheegay inayna jabhadiisu wax dano siyaasadeed ah ooy kaleedahay deegaankaas uuna jiray ciidankiisuna ka dhex dhaq-dhaqaaqik gudaha iyo xuduuda labada deegaan toona. Idaacada VOA da qaybteeda af-axmaariga ayaa labada dhinacba laxidhiidhay ooy uwarameen.

(2) Xaaladii ardayda jaamacada Assosa ee deegaanka Banishaangul-gumuz ka ayaan wali dib u bilaabin waxbarashadii siday rabshadu ugadhacday maalinta dhowayd.

Wasiirka technology ga iyo tacliinta sare marwo Dr. Hirut Waldemarum ayaa sheegtay inii lagu gudajiro dajinta iyo heshiisiinta ardaydii ku dagaalantay jaamacada Assosa xaaladuna dagantahay imika.

Madaxwaynaha deegaanka axmaarada Mr. Gedu Indargachew, oo warbaahinta dalka siinayay warsaxaafadeed kusaabsan ilaalinta amniga ardayda jaamacadaha kaladuduwan ee dalka waxkabarta, ayaa sheegay inay tahay wax aan loo dulqaadankarin dilka qorshaysan ee lagu bar-tilmaameedsanayo ardayda jaamacadaha.

Gedu ayaa dawlada fadaraalka kacodsaday inay talaabo sharci ah kaqaadp kooxaha lawada yaqaano ee hadh iyo habeenba ku hawlan sidii ay u fashilin lahaayeen una minjaxaabin lahaayeen isbadalkan socda qorshaha koobaadna uqaatay jaamacadaha inay ka abuuraan iskudhacyo ardaydada dhexdeeda ah oo waji qowmiyadeed ah una qaybinaya calag, hub iyo fariimo been abuur ah.