Wednesday, February 24, 2010

Wafdigii Jigjiga TV oo Booqday Wakaalada Warbaahinta, Xabsiga Dhexe & Waraysi ay la Yeesheen Komishinerka Booliska DDS

Jigjiga (CakaaraNews) Wafdigii Qurbo joogta ahayd ee ka socotay Jigjiga TV ee fadhigoodu ahaa Minnesota ayaa booqday Xafiiska Warbaahinta Dawlad Degaanka Soomaalida (Somali State Mass Media Agency) ee ku taala Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida Jigjiga.



Wafdigaas oo uu gadh wadeen ka ahaa Madaxa Xidhiidhka Jaaliyadaha ee DDS Mudane Guuleed Aw Cali ayaa waxaa xarunta Warbaahinta ku soo dhaweeyay Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Guuleed Casoowe.


Wafdigu waxay inta ay ku sugnaayeen dhismaha cusub ee Wakaalada Warbaahinta ee Dawlad Degaanka Soomaalida (Mass Media Agency) ay warbixino la xidhiidha hanaanka ay u shaqayn doonto Wakaalada Warbaahinta oo ay hoos imanayaan labada unug ee kala ah Jigjiga FM 99.1 & telefishinka SRTV ay ka dhagaysteen hawl-wadeeno ka tirsan Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska.


Waxay wafdiga Jigjiga TV ay aad ugu bogeen xawliga dheer ee ay haatan ku socdaan mashaariicda horumarinta ee ka jira Dawlad Degaanka Soomaalida, iyagoo tusaale u soo qaatay hanaanka warbaahinta ee muddada yar ee kooban ku gaadhay heer aan la malaysan karin.


     
 
Intii ay ku jireen booqashadooda, waxay wafdigu booqdeen Matxafka Agabka Dhaqanka ee DDS oo ku dhex yaala Daarada Xafiiska Warfaafinta, waxayna halkaas ku daawadeen agab dhaqameedka shacabka Degaanka Soomaalida.



Waxaa Wafdiga sharaxaad agabka dhaqanka ee meesha yaalay ka siiyay Agaasinka Dhaqanka ee Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Xasan Kaba-Calaf.





Wafdiga oo wali sii wada booqashooyinkoodii ay ku kala bixinayeen horumarka ka hana qaaday Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa waxay kaloo booqasho ku tageen Xarunta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Jigjiga halkaas oo ay kula kulmeen maxaabiis ka mid ah nabad-diidka ubo. Waxaa wafdiga Xabsiga Dhexe ku soo Dhaweeyay Komishiner Ku Xigeenka Xafiiska Asluubta Suldaan Cabdi Bade, & Kooxda Xafiiska Asluubta ee Anshax Band oo halkaas ka waday Bandhig Faneed lagu wacyi galinayo nabad-diidka ku xidhan Xabsiga Dhexe.


Badri oo waraysanaya  Cabdi Nuur Sooyaan




Wafdigu intii ay booqanayeen Xabsiga Dhexe waxay kulamo la yeesheen maxaabiis ka mid ah dambiilayaasha ubo oo uu ka mid yahay Cabdi Nuur Sooyaan oo ka tirsanaa nabad-diidka ubo iyo naagtii la odhanayay Nimco Badal ee ku jirtay barnaamijkii beenta & borobogaandhada ahaa ee Al Jaziira ee budhcada argagixisada ay ku magac bi'inaysay dimuqraadiyada ka hana qaaday Degaanka Soomaalida.


Markii ay wafdigu dhamaysteen booqashadoodii Xabsiga Dhexe waxay u istaageen Heesta Calanka ee Degaanka Soomaalida iyagoo si khushuucsan ula qaatay Askarta ka tirsanayd Xafiiska Asluubta ee Degaanka Soomaalida. 



                                              





































Dhinaca kale, waxaa wafdiga ka socday Jigjiga TV ay maanta waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeesheen Komishinerka Booliska ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Yuusuf Maxamed (Jalaale).































Waraysiga komishinerka oo aad u qota dheeraa waxaa Wariye Badri Yuusuf Ciise oo ka socday Jigjiga TV uu Komishinerka wax ka waydiiyay ummuuro badan.







































 
 
 
 
 
 
 
 

 

CakaaraNews



Hotmail: Powerful Free email with security by Microsoft. Get it now.

No comments:

Post a Comment