Sunday, February 28, 2010

Dood Cilmiyeed Lagaga Dooday Master Planka Cusub ee Caasimada oo Ka Dhacay Jigjiga

Jigjiga (CakaaraNews) Waxaa maanta subaxii Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan lagu qabtay dood cilmiyeed lagaga doodayo Mastar Planka cusub ee loo sameeyay Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga.


Dooda master plankan cusub oo ay soo qaban qaabisay Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Jigjiga waxaa ka qayb galay dhamaan Xafiisyada Dawliga ee DDS, ganacsatada, shacabka & hogaamiye dhaqameedka Degaanka Soomaalida.


Master Plankan cusub ee loo sameeyay caasimada Degaanka Soomaalida ayaa waxaa soo bandhigtay shirkad gaar loo leeyahay oo diyaarisay qorshaha aasaasiga ah ee magaaladu ku salaysan tahay.



Waxaana dood cilmiyeedka maanta lagu soo bandhigay warbixin laga soo uruuriyay daraasaad la sameeyay bishii Disembar ee sannadkii tagay ee 2009. Hadafka ugu wayn ee laga lahaa diyaarinta daraasadan waxay ahayd in la diyaariyo qorshe qaab dhismeed (structural plan) ay magaalada yeelan doonto. Waxaa kaloo la diyaariyay Qorshe Horumarinta Degaameed (Local Development Plan).





Hadafka laga leeyahay mastar planka cusub ayaa waxaa Duqa magaalada Jigjiga Mudane Cabdisalaan Maxamed Ibraahin uu sheegay inay tahay sidii Caasimada Jigjiga looga dhigi lahaa Caasimad Degaan (Regional City), Xarun Ganacsi (Business Center), Xarun Adeeg (Service Center), Xarun Warshadeed & Wax Soo Saar Beero (Agro Industry), & Xarun Isgaadhsiin & Dekad Badeecado ka soo dagdo (Transport Hub with Dry Port), & waliba inay noqoto Xarun Dalxiis (Tourist Site).

Sida la wada ogsoon yahay Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida oo dhacda ama ku taala inta u dhaxaysa Dhigta 9o.2 oo Waqooyin ah iyo loolka 42o oo Bari ah, waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu dhan tahay 4000 oo hektar. Sida dood cilmiyeedkan maanta lagu soo bandhigay waxaa loo qorsheeyay in xuduudaha dhulka ay caasimadu ku fadhido la gaadhsiiyo dhul baaxadiisa dhan tahay 7000 oo hektar.



Waxyaabaha ugu waawayn ee maanta laga arkay master planka cusub ee caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga waxay ahayd in dhul aad u balaadhan oo ku yaala badhtamaha magaalada Jigjiga loo qoondeeeyay inay tahay dhul qurbo-joog. Dhulkaas oo loo bixiyay Diaspora City waxay ku taalaa dhul ku yaala badhtamaha magaalada Jigjiga oo dawladu ay leedahay.
Sidoo kale, waxaa dooda maanta lagu soo bandhigay gol-daloolada uu leeyahay mastar planka haatan ka jira magaalada Jigjiga oo jira muddo nus qarni ku dhaw.

Gol-daloolada maanta lagu soo bandhigay dooda ayaa waxaa ka mid ahaa in maadaama Magaalada Jigjiga ay tahay caasimada Degaanka Soomaalida inayna lahayn ruggo dhaqan (cultural centers) isla markaana loo soo qorsheeyay in loo sameeyo xarumo dhaqan oo darajao sareeya (standard multi-cultural centre that encompasses standard assembly, cinema, theater, hall, museum, exhibition center.





Waxaa kale oo daraasadan ay soo bandhigtay baahida loo qabo in la dhiso huteelo tayo leh (standard hotels, pensions and motels) iyo waliba hirgalinta hanaan isgaadhsiin & wadooyin oo leh standard transportation service, iyo adeega cunno bixinta (catering service). Daraasadan waxay kaloo soo bandhigtay in magaalada caasimada ay ka hirgaliso barnaamij dhirayn ah (greening).


Mastar planka cusub ee caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga waxaa kaloo uu soo bandhigay hanaan cusub oo loo bixinayo wadooyinka dhex mara magaalada Jigjiga, taasoo looga gol leeyahay in hanaanka isgaadhsiinta wadooyinka ee magaaladu ay noqoto mid si fudud u sahasha isku socodka shacabka & badeecada, isla markaana u fudud in dadka cusub ee soo booqda magaalada ay fahmi karaan una sahasha cinwaan helista iyo gaadhista meesha ay doonaan.


Dhinaca kale, waxay daraasadu sharaxday baahida loo qabo in caasimada Jigjiga ay yeelato hanaan qashin qub iyadoo ka hadashay qaabka jira ee haatan qashinka bulaacada dareeraha ah ee caasimada ay u shaqayso. Sidoo kale, waxaa Master Planka cusub uu soo bandhigay qaab cusub oo loo samaynayo adeega sugiyaha (abbatoir & slaughter house) oo laga samaynayo meel ka fog degaanka shacabka isla markaana aan keenayn inuu wasakheeyo biyaha dhulka hoose gandiida.


CakaaraNews


Hotmail: Trusted email with powerful SPAM protection. Sign up now.

No comments:

Post a Comment