Wednesday, February 24, 2010

Degmada Xarshin oo La Galiyay Adeega Taleefoonada Mobileka ee Casriga ah

Xarshin (CakaaraNews) Warar aanu ka helnay Madaxa Arrimaha Xisbiga XDSHS ee Gobolka Jigjiga, ahna ku sii Simaha Maamulka Gobolka Mudane Mukhtaar Cali Biyo ayaa noo sheegay in Degmada Xarshin la galiyay adeega taleefanada casriga ah ee dhaqdhaqaaqa ee Afka Qalaad loogu yeedho Mobile Phones.

Sida uu Mudane Mukhtaar Cali Biyo uu noo sheegay waxaa Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Ethiopian Telecommunication Corporation ay maalintii shalay ahayd si rasmi ah u furtay adeega isgaadhsiinta taleefanada mobileka ah oo haatan si balaadhan looga adeegsanayo dhamaan tuulooyinka & qabaleeyada Degmada Xarshin.
Sidoo kale, waxaa Ku Sii Simaha Gudoomiyaha gobolka Jigjiga Mudane Mukhtaar Cali Biyo uu noo sheegay in anteenno isgaadhsiin oo nooca uu ku shaqeeyo Taleefanka Mobilka ah laga taagay inta u dhaxaysa Harta Sheekh & Xarshin taas oo ka dhigaysa in isgaadhsiinta Mobileka laga adeegsan karo inta badan ee wadada ku taala.
Dhinaca kale, waxaa Masuulku uu noo sheegay in Dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Jigjiga, marka laga reebo Dhadhamane (X Baabile) & Aw Barre ay leeyihiin adeeg taleefan oo mobile ah. Sida uu noo sheegay Mudane Mukhtaar Cali Biyo, Tuulada Lafa-Ciise oo ka tirsan Degmada Aw Bare ayaa iyadu leh adeega Telefoonka Mobile ka ah taas oo muddo laba bilood ka hor ahayd loo furay, balse waxaa Degmada Aw Barre ku jira adeega taleefanada xadhkaha wata Land Lines oo casri ah. 
CakaaraNews


Hotmail: Trusted email with Microsoft's powerful SPAM protection. Sign up now.

No comments:

Post a Comment